Madaxweyne Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Kismaayo u dhoofay

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u dhoofay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku sii saagootiyay xubno ka tirsan golayaasha dowladda saraakiil ka socotay madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka madaxweynaha Puntland oo qorshaysnaa in uu shalay gaaro magaalada Kismaayo si uu uga qeyb-galo caleema-saarka madaxweynaha mar kale la doortay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa u baaqday sababo aan la shaacin.

PUNTLAND POST