Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta ku meelgaarka ah ee Jubbaland.

Wafdiga Madaxweyne Deni oo ka qeybgelaya Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland, ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaan Sahro Qoorsheel, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugaso qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Dhaqan, Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa soo dhoweyn Hab-maamuuskeedu sareeyo u sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam, kadibna waxaa uu Madaxweynuhu u gudbay dhinaca shacabka oo boqolaal dad ah isugu soo baxeen soo dhoweyntiisa.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam ayaa kusoo dhoweeyay Kismaayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa, wuxuuna uga mahadceliyey imaanshaha Madaxweyne Deni iyo ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu Jubaland Dowlad iyo Shacaba uga mahadceliyey sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa:

Aad baan ugu faraxsanahay sida diirran oo Dowladd iyo Shacaba naloo soo dhoweeyay, waan ka mahadnaqeynaa, waa waajib na saarnaa maadaama Madaxweynuhu dhowrjeer horey noo soo booqday in aan anagana soo booqano la wadaagno Farxadaha iyo Murugadaba, Waxaan rajeynaynaa hadii illaahay idmo muddada aan joogno in arrimaha muddadii u danbeysay Jubaland ka jiray aan wax ka galno hadii illaahay idmo” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada oo dhan

PUNTLAND POST