Gen. Muxiyadiin oo sheegay in tallabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dhejisa hantida dowladda

Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse

Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse oo saaka warbaahinta kula hadlay gudaha caasimadda Garoowe ayaa ka warbixiyay halka uu marayo hawlgalka lagu burburinayo dhulka dowladda ee shacabku dhisteen.

Taliyaha aya sheegay in la banneeyo dhul badan oo hantida dowladda ah welina uu socdo hawlgalka lagu banneynayo inta dhiman dhulka dowladda iyo goobaha kale ee sida sharci-darrada ah loo dhistay oo ay ku jiraan waddooyinka, si loo soo celiyo nidaaminta iyo bilicda caasimadda Garoowe.

Gen. Muxiyadiin ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee laga soo celinayo hantida dowladda in aysan dhib u arkin maadaama ay wakhti dheer ku si gaar ah uga faa’idaysanayeen hanti umadda ka dhexaysa waxaana uu ku boorriyay in ay umadda cafis weydiistaan.

Waar intii hore cafis weydiiso oo waxaa tiraahdaa ha la i cafiyo dadku illaa waa kula lahaaye keligaa ma lahayne. Hal dadka ka dhexaysa haddaa keligaa maashid dhib weeye oo waxay kugu noqonaysaa xaaran” ayuu yiri Gen Muxiyadiin.

Sidoo kale wuxuu uga digay dadka weli guryaha dowladda deggan in ay isku dhejiyaan isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dhejisa guryaha ama hantida kale ee dowladda.

Hoos ka daawo hadalka taliyaha

PUNTLAND POST