Madaxweyne Xaaf oo soo dhoweeyay magacaabidda guddiga farsamada dhismaha Galmudug

Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Galmudug, Axmed Geelle Ducaale Xaaf, ayaa dhoweeyay magacaabidda Gudiga farsamo ee Maamul dhisida Dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo dhawaan ka carooday tilaaboyinka dowladda federalka, ayaa mar kale lagu qanciyay inuu dowladda federalka kala shaqeeyo dhameystirka dhismaha Galmudug midaysan.

Guddigaan oo ay haatan soo magacowday wasaaradda arrimaha gudaha, ayuu horey madaxweyne Xaaf diiday u diiday in dowladdu soo dhisto, balse wada hadal ka dhacay Muqidsho ayaa lagu heshiiyay in madaxweyne Xaaf uu faraha kala baxo magacaabidda guddiaan, balse uu talo ku lahaado.

Halkaan hoose ka eeg