Mid kamid ah culimaa’udiinka Puntland oo shil gaari ku dhaawacmay

Sheikh Axmed Daahir Xasan Xuseen

Sheikh Axmed Daahir Xasan Xuseen oo kamid ah culimaa’uddiinka waaweyn ee Puntland ayaa galabta ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga tuulada Yaka-yaka ee gobolka Karkaar.

Gaariga Sheikhu saarnaa oo ka yimid dhanka magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar kuna sii jeeday caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa ku dhacay meel wax yar u jirtay tuulada yaka-yaka oo ka tirsan degmada Qardho.

Sheikha ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Garoowe halkaasi oo hadda lagu dabiibayo waxaana dhaqaatiirtu xaqiijiyeen in uu feer ka jaban-yahay  sida uu warbaahinta Puntland post u sheegay Sheikh Mukhtaar Axmed Faarax oo kamid ah dadka ku booqday isbitaalka.

Sheikha caafimaadkiisu aad ayuu u fiicanyahay Garoowe ayaa la keenay feer keliyaana jabtay laakiiin sida kale aad buu u fiicanyahay dadkii la saarnaana waxba ma gaarin” ayuu yiri Sheikh Mukhtaar.

Hoos ka daawo hadalka Sheikh Mukhtaar

PUNTLAND POST