Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo isu jira Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda Wadanka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan Shirka Maalgashiga Turkiga ee Afrika.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Safiirka, masuuliyiinta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi uga mahadceliyey soo dhowaynta ballaaran ee ay u sameeyeen isaga iyo weftigiisa.
Madaxweyne Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadandoonaa masuuliyiinta dalkaasi iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga.



You must be logged in to post a comment.