Daacish oo dagaallamayaal cusub ku soo bandhigtay buuraleyda gobolka Bari ee Puntland

Malayshiyaadka cusub ee Daacish soo bandhigtay

Sawirro shalay lagu baahiyay internet-ka ayaa kooxda la baxday Daacish waxay ku soo bandhigtay xubno cusub oo ku soo biiray malayshiyaadkooda, kuwaasi oo tababar looga furay buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Kooxda ayaa soo bandhigay sawirada dagaallamayaal ku hubaysan qoryaha fudud islamarkaana ay sheegeen in ay tababar ku qaadanayan xero ciidan oo ku taalla buuraleyda gobolka Bari ee koonfur uga beegan magaalada Boosaaso kadib markii ay ku biireen kooxdaasi.

Xerada ciidan ee lagu tababarayo malayshiyaadka cusub waxay Daacish u bixisay “Xerada Dawoud al Somali” waxaana ay ugu magac-dareen tababare ciidan oo hore kooxda looga dilay.

Sheegashada Daacish ee ku aaddan in dagaallamayaal cusub ku biireen waxay xoojinaysa warbixin uu hore u soo saaray Taliska Ciidamada Maraykanka Afrika ee (AFRICOM ) taasi oo sheegaysay in garabka Daacish ee Soomaaliya ay weli ku biirayaan dagaallamayaal cusub.

Inkastoo hawgallo militari iyo duqeymo dhanka cirka ah ku socdan kooxda Daacish ee buuraleyda Puntland haddana weli waxay awood u leeyihiin in ay soo jiitan malayshiyaad cusub sida laga soo xigtay AFRICOM.

PUNTLAND POST