Wasiir ku xigeen ka tirsanaa Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

Wasiir Kuxigeenkii wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhaalac) ayaa xalay xilka iska casilay, kadib markii sida uu sheegay ku qanci waayay, fara-galinta dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada Galmudug.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo uu kaga hadlay iscasilaaddiisa, ayuu ku sheegay in hannaanka maamul u dhisidda Galmudug ee ay wado dowladda Federaalka uu yahay mid baal marsan rabitaanka Shacabka Galmudug iyo Dastuurka dalka, taasina ay keeni karto dib u dhac siyaasadeed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in fara-gelinta Villa Somalia ee doorashada Galmudug ay keeni karto amni-xumo iyo in ay kala fogaadan labadii gobol ee ku midoobay dowlad goboleedka Galmudug oo kala ah Mudug iyo Galgaduud sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyay iscasilaadda Wasiir Kuxigeenkii wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee xukuumadda Federaalka.

Waxaan boggaadinayaa go’aanka geesinnimada leh ee uu ku dhawaaqay Wasiir Xil. C/kariin Khaliif Dhalax ee uu isaga casilay xilkii Wasiir Kuxigeen ee uu ka hayey xukuumadda Federaalka, waa go’aan taariikhda u galaya oo sababihiisa maangalka ah wata”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi wuxuu sheegay in tallaabada uu isku casilay Cabdikariin Dhaalac ay bilow u noqon doonto is casilaada kale, haddii aysan Villa Somalia fara-gelinta ka joojin doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

Tallaabada uu isku casilay Mudane C/kariin Dhalac waxay bilow u noqon doontaa is casilaado kale” ayuu sii raaciyay xildhibaan Fiqi.

PUNTLAND POST