Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtida maanta saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ka dib munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Villa Somalia.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in musuq-maasuqa uusan ahayn kaliya lacag la xado balse uu yaahy in qofku mas’uuliyadda uu hayo si qaldan oo sharciga iyo nidaamka baalmarsan u isticmaalo.

Munaasabadda lagu saxiixay Sharciga waxaa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasiiro,xildhibaano,saraakiisha ciidanka, sharci yaqaano,culimada diinta iyo ganacsato sidoo kale ururada bulshada rayidka.

PUNTLAND POST