Madaxda Puntland iyo guddiga gacanta ku haya Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya oo Garoowe ku kulmay

Guddiga Ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka u qaabilsan soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa xalay la Kulmay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa in guddigu ay madaxda dowladda Puntland la wadaagaan sharciga Doorashooyinka Qaranka ee ay gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa guddiga uga mahadceliyay sida ay ugu soo bandhigeen Sharciga Doorashooyinka Qaranka iyo sharraxaadda ay ka bixiyeen habka loo diyaarinayo sharcigaasi.

Guddiga ayaa hore ula kulmay guddoonka Golaha Wakiilada Puntland oo ay sharraxaad ka siiyeen sharciga Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee gacantooda ku jira iyo sida ay u diyaarinayan sharciga.

PUNTLAND POST