James Swan oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Soomaalida ugu baaqay in ay soo afjaraan colaadda, toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada muddada dheer socday.

James Swan oo war-saxaafadeed ka soo saaaray xuska maalinta nabada adduun oo maanta ku beegan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku dhiirri-geliyay inay gacan ka geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay dadaallada ay waddo dowladda Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha. Nabad waarta  waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ambassador James Swan ayaa intaas raaciyay “Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan  go’aankooda ah inay  kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” .

Qaaramada Midoobay ayaa 1981 asaasay maalinta calamiga ah ee nabada (21 September), waxayna labaatan sano ka dib, 2001 u codeeyeee in loo asteeyo maalintaas inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso.

PUNTLAND POST