Shir lagu taageerayo meel-marinta xeerka joojinta gudniinka gabdhaha oo Garoowe lagu qabtay

Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adaha NCA iyo Save the children, ayaa maanta magaalada Garoowe, waxay shir ugu qabatay urrurrada bulshada rayidka ah, shirkaas oo looga doodayey dawrka ay ku leeyihiin taageeridda iyo meel-marinta xeerka joojinta gudniinka gabdhaha.

Shirkaan oo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 65 wakiil oo kala socday urrurrada bulshada, sida haweenka, dhallinyarada, NGO-yada, qareennada, iyo wakiillo ka socda hay’addahaNCA iyo Save the children, ayaa waxaa si rasmi ah u furay agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaaladda Sh. Ismaaciil Xaaji Cabdi.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay waxyeellada iyo dhibaatooyinka baahsan ee uu leeyahay Gudniinka gabadhaha, gaar ahaanna xilliyada foosha iyo dhalmada, iyadoo halkaasi laga caddeeyay in caabuqa iyo cudurada ugu badan ee haleela gabdhaha uu sabab u yahay gudniinkaasi.

Agaasimaha wasaaradda Sh. Ismaaciil Xaaji Cabdi ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay, in bulshada lagu wacyi-geliyo oo la fahamsiiyo waxyeellada iyo dhibaatada ku sugan gudniinka gabdhaha, si loo badbaadiyo noloshooda, waxaana uu xusay in mudnaanta la siiyo degaannada ka baxsan laamiga iyo dhulka miyiga ah ee aan laga fahamsaneyn dhibaatada gudniinkaasi.

Maxamed Cabdullaahi oo isna ku hadlayey magaca hay’adaha NCA iyo save the children oo dowladda Puntland ka taageera cirib-tirka gudniinka gabdhaha ayaa shirka ka sheegay in hay’adaha NCA iyo save the children ay mar walba dowladda Puntland ku garab taagan yihiin ka badbaadinta gabdhaha waxyeellada daran ee gudniinka.

Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo shirka soo xiray, ayaa isna hoosta ka xarriiqay sida ay wasaaraddiisa uga go’antahay cirib-tirka gudniinka gabdhaha, maadaama uu caafimaad ahaan waxyeello daran u gaysto Haweenka.

Ugu dambeyntii, Xubnihii matalayey ururrada bulshada rayidka ah ee shirka ka qeyb-galay, ayaa Golaha wakiilada Puntland u jeediyay baaq ku aaddan, meel-marinta xeerka joojinta gudniinka gabdhaha ee qabyada ah.

Halkan ka eeg sawirada shirka

PUNTLAND POST