Jubbaland oo sheegtay in shir aan ruqsad looga haysan lagu qaban karin Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo khamiis ah 19 September 2019 shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada.

Shirkii Golaha Wasaarada Jubbaland

Kulanka ayaa ugu horayn lagaga hadlay arimo kala duwan gaar ahaan nabadgalyada waxaana la isku raacay in dhamaan shirarka iyo kulamo ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin Magaaalada Kismaayo laga bilaabo 20 bishan September, iyadoona la faray ciidanka ammaanka inay muujiyaan feejignaan buuxda.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay howlaha ay hormuudka ka tahay Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ee la xiriira dhamaynta tabashooyinkii ka dhashay doorashadii Madaxweynaha ee 22 Ogoosto ka dhacday Jubbaland iyadoo la bogaadiyay sida howlahaas ay Wasaaradu ilaa hada u wado guulaha badana looga gaaray.

Ugu danbayn Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa isku raacay in xaalado dhinaca nolosha ah ay ka jiraan deegaanada Jubbaland, kuwaas oo u baahan gurmad deg deg ah waxaana la faray dhinacyada ku shaqada leh inay warbixino dhamaystiran ka keenan oo lagu howlgalo.

PUNTLAND POST