DFS oo lacag dheeraad ah u qorsheysay dowlad gobaleedyada

Shirkii Golaha XFS

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo guud ahaan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ugu horreyn Golaha uga war bixiyay natiijadii wanaagsaneyd ee shirkii dhawaan Addis Ababab ku dhex maray dowladda iyo Sanduuqa Lacagta Addunka (IMF) ee dib-u-eegista qaybtii 1aad ee SPM4 iyo meesha uu marayo qorshah dalka deynta looga cafinayo, ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, oo dood kadib golohu cod wadar ogol ah ay ku meel mariyay.

Miisaaniyadda 2019 ee ku noqshadeeda golaha wasiirradu ansixiyeen iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, ayaa loo gudbinayaa golaha shacabka si ay u meel mariyaan.

Ku tala galka miisaaniyadda 2019, ayaa aheyd 344.2 Milyan, dib u noqshada maanta goluhu ansixiyayna waxa ay tahay 390.1 Milyan, guud ahaan farqiga u dhexeeya ku tala galkii hore iyo ku noqshadana, waa 45.9 Milyan oo doollar.

Inta badan kororka miisaaniyadda 2019 ayaa ka yimid dakhliga gudaha, waxaana ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu yahay 31.5 milyan oo doollar

Ku tala galka deeqaha dibadda ee Miisaaniyadda 2019 ayaa ahaa 154.3 Milyan, waxaana la rajeynayaa in uu gaaro 168.8 Milyan oo doollar.

Isbedelka guud ee dhanka kharashka ah ee ku yimid ku talagalkii miisaaniyadda 2019, waxaa qayb ka ah 9.5 Milyan oo ku korortay mushaaraadka iyo gunnada ciidamada iyo macallimiinta, 6 milyan oo loo qorsheeyeey maamulka hawada gudaha dalka kusoo wareegay, 8 Milyan oo dheeraad ah oo dowladda dhexe u qorsheysay dowlad gobaleedyada iyo 8 Milyan oo dhisme iyo iibin dhulal iyo dhisme safaareed loo qorsheeyay.

PUNTLAND POST