Beledweyne: Qarax miino oo la fashiliyay

Ciidamada ammaanka ee ka howgala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa fashiliyay qarax miino oo la dhigay waddada isku xirta magaalada iyo garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Waddada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif iyo magaalada Beledweyne ayaa ciidanku ku guuleysteen in ay ka saaraan walxaha qarka oo la aaminsan yahay in ay dhigeen Al-shabaab.

Miinadan waxaa soo saaray ciidanka Nabad Sugidda ee magaalada Beledweyne ka howlgala, iyaga oo kaa shanaya xog ay heleen oo ahayd in qarax lagu aasay waddada dhinaceeda.

Wadada qaraxa la galiyay waxay muhiim u tahay isku socodka magaaladda Beledweyne, iyadoona ay isticmaalaan dadweynaha, Masuuliyiinta, ciidanka dowladda iyo AMISOM.

Waxaa la sheegayaa in falkan loo soo qabtay labo qof oo looga shakisan yahay inay iyagu aaseen miinada, kadib howlgalo ay sameeyeen ciidanka amaanka.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ka hadashay qaraxan la fashiliyay.

PUNTLAND POST