Askar ka tirsan ciidamada Puntland oo ku dhintay qarax ka dhacay Galgala

Sawir hore: ciidamada Puntland ee Galgala

Laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay ilaa afar kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii maanta qarax miino lala eegtay gaari ay saarnaayeen oo marayey degaanka Balli-Khadar ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca askartaasi waxaana ay sidoo kale sheegeen in qaraxa uu burbur xooggan gaarsiiyay baabuurka miinadu la kacday ee askartaasi saarnaayeen.

Askarta ku dhaawacantay qaraxa ayaa dhaawacooda la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasi oo hadda lagu dabiibayo.

Kooxda Al-shabaab oo in badan qaraxyo ka geysatay buuraleyda Galgala ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

PUNTLAND POST