Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daah-furay barnaamijka Dib-u-habaynta mushahaaraadka shaqaalaha dowladda Puntland

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa Galabta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ka daah-furay, barnaamij ku saabsan Dib-u-habaynta & Casriyeynta heerarka iyo mushahaaraadka shaqaalaha dowladda Puntland.

Barnaamijkan waxaa soo agaasintay wasaaaradda Shaqada & Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira Tiro-koobka Shaqaalaha, heerarka uu soo maray Hannaanka bixinta mushahaaraadka Shaqaalaha dowladda iyo Dib-u-habaynta ku socota hannaankaasi mushahar-siinta Shaqaalaha.

Kulanka waxaa ka soo qeyb-galay dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha xukuumadda, guddiga arrimaha bulshada Baarlamanka, agaasime ku xigeenka madaxtooyada, saraakiil ka socotay bankiga Adduunka, iyo marti sharaf kale.

Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa kulanka ku soo bandhigtay xogta rasmiga ah ee Tira-koobka Shaqaaalaha Puntland iyo heerarka kala duwan ee uu soo maray Hannaanka mushahaar-siinta shaqaalaha, waxaana ay sheegtay in ay Dib-u-habayn iyo Casriyayn ku socoto Habka bixinta mushaharaadka Shaqaalaha dowladda.

Runtii, barnaamijkan waa barnaamij aad iyo aad muhiim u ah, dowladnimada Puntland markii la eego, guulna u ah dhammaan shaqaala weynaha Puntland.Waa barnaamij habkii hore ee shaqo iyo shaqaale ee lagu jiri jiray u beddelaya hab cusub iyo system cusub” ayuu yiri Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Dhalinyarada Ciyaaraha dowladda Puntland, Jaamac Faarax Muuse.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash oo daah-furay barnaamijka, ayaa wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland si weyn ugu bogaadiyay, Tirakoobka, Dib-u-habaynta iyo Casriyeynta heerarka iyo mushahaaraadka shaqaalaha dowladda.

waxaan ku bogaadinayaa wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland dhammaystirka mashruucii tirakoobka Shaqaalaha Puntland iyo agaasinka daahfurka dib u habaynta heerarka iyo mushaharka shaqaalaha dawladda Puntland.” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar