Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna

Madaxweynaha dowladda Fedetaalka Soomalaiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka sare ee Culimaa’udiiinka Ahlu Sunna waxaana uu ku ammaanay doorka ay ka qaateen samata-bixinta degaannada Galmudug sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulankan kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Al-Ashcari) ayaa la wadaagay muhiimadda ay u leedahay aragtidoodu, dadaalkooda iyo waxqabadkoodu dhismaha Galmudug mideysan, horumarsan oo ka tarjumeysa aqoonta iyo kartida reer Galmudug.

Dhankooda, Hoggaanka Ahlu Sunna Wal-jamaacah ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay, xal u helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray Galmudug, waxa ayna soo bandhigeen rajo mugweyn oo ku aaddan hana qaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada dhawaan la qarameeyey ee ku sugan Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in dowladdu ay xoogga saartay xaqiijinta xuquuqdooda ciidannimo iyo tayeyntooda, isagoona ku dhiirri geliyey go’aankooda ku saleysan Qarannimada iyo in ay u istaageen difaaca dalkeenna.

PUNTLAND POST