Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo xiray qorista Manhajka Buugaagta Dugsiyada Hoose ee Puntland

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta Garoowe ku soo xirtay qorista Manhajka Buugaagta Dugsiyada Hoose ee Puntland oo soo bilowday bishii June ee sannadkan.

Munaasabadda xiritaanka qorista Manhajkan cusub ee Buugaagta Dugsiyada Hoose ee Puntland oo lagu qabtay xarunta KulliyaddaTababarka macallimiinta GTEC ee magaalada Garoowe, waxaa ka soo qeyb-galay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash, mas’uuliyiinta wasaaradda Waxbarashada oo uu horreeyo wasiirka, saraakiil ka socotay hay’adda UNICEF oo wasaaradda ka caawisay qorista Buugaagta Dugsiyada Hoose, xubno ka tirsan guddigii ka shaqeynayey qorista Buugaagta, aqoonyahanno, macallimiin iyo marti sharaf kale.

Agaaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) oo faahfaafiyay Manhajkan cusub ayaa sheegay in uu yahay mid ardayda da’yarta ah ku barbaarinaya waddaniyadda, dhaqanka, Diinta, wada-noolaanshaha, iyo ka shaqeynta Nabadda ,waxaana agaasimuhu tilmaamay in wasaaraddu ay wakhti badan gelisay diyaarintiisa iyo qoristiisaba.

Sidoo kale, wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa ballan-qaaday in wasaaraddu ay si dhakhso ah u daabici doonto Buugaagta Dugsiyada Hoose ee qoristooda la soo geba-gabeeyay, isagoo xusay in haddii ay suurta-gesho maalinta berriyaba la bilaabi doono daabacaadda Buugaagtaasi.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo soo xiray munaasabadda ayaa isna u mahad-celiyay mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Puntland oo uu ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixisay qorista Buugaagtan cusub, gaar ahaanna wuxuu u mahadceliyay guddiga qorista Buugaagta Dugsiyada Hoose ee hawshan u xil-saarnaa.

Ugu dambeyntii, madaxweyne ku xigeenka ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay guddigii ka shaqeeyay qorista Buugaagta iyo xubno kale oo kaalin muhiima ka qaatay hirgelinta Buugaagta Dugsiyada Hoose ee Puntland.

Hoos ka daawo sawirada iyo muuqaalka

Warbixinta oo dhan goor dhow kala soco Puntland Post