Asakari ka tirsan ciidamada Somaliland oo xalay lagu dilay magaalada Laascaanood

Sawirka 20-Agoosto 2019 mudaharaad habeen Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in halkaasi xalay lagu dilay askari ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland ee gacanta ku haya xabsiga Laascaanood.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Laascaanood ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in dilka askariga uu fuliyay nin hubaysan oo sida dadka qaar sheegeen isna ka tirsanaa ciidanka Asluubta Somaliland inkasto aysan mas’uuliyiinta Somaliland weli ka hadlin dhacdada islamarkaana aan si rasmiya loo xaqiijin in shakhsiga wax dilay uu askari ahaa iyo in kale.

Sidoo kale rasaastii uu riday ninka askariga toogtay ayaa waxa ku dhaawacmay qof shacab ah oo halkaasi ku sugnaa waxaana goobta isaga baxsaday ruuxii dilka gaystay sida ay sheegeen goob-joogayaashu.

Booliiska Somaliland oo xalay hawlgallo ka sameeyay magaalada Laascaanood kadib dilka askariga ayaan weli war ka soo saarin natiijada hawlgalkooda.

PUNTLAND POST