Somaliland oo ku dhawaaqday in ay joojisay Saldhigii militari ee Imaraadku ka dhisanayey magaalada Berbera

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Sabtiya ku dhawaaqay in xukuumaddiisu joojisay saldhigii militari ee dowladda Imaaraadka Carabtu ka dhisanaysay garoonka diyaaradaha magaalada Berbera.

Madaxweyne Biixi oo booqasho ku tegay magaala-xeebeedda Berbera ayaa halkaasi ka shaaciyay in wixii hadda ka dambeeya garoonka diyaaradaha Berbera uu noqon doono mid shicib islamarkaana laga wareejiyay saldigii militari ee Imaaraatka Carabta.

Garoonkii Berbera ee in badan laga murmayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa ay imaan doonto shirkaddii dhisi lahayd garoonka diyaaradaha Berbera oo sida uu tilmaamay noqon doona garoon weyn 5KM ah.

Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa hore u kala saxiixday heshiis ka kooban lix qodob oo uu kamid ahaa in Imaaraadku saldhig militari ka dhisto magaalada Berbera ee ku taalla xeebta badda Cas.

Halkan ka daawo hadalka madaxweynaha

PUNTLAND POST