Puntland: Hantida dadweynaha dayacan ee aan danta laga la heyn!

Dadka oo dhabarkooda isticmaala marka uu go’o laamigu

Wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa sii dabar go’aysa.

Wadada Boosaaso tan iyo Gaalkacyo oo dhererkeedu yahay 700-KM ayaa ah halbowlaha dhaqaale ee Puntland waxayna isku xirtaa isu socodka gaadiidka gobolada Puntland, gobolada dhexe iyo Itoobiya.

Garowe iyo Boosaaso

Wadada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso waxay ka mid ahayd kaabayaashii dhaqaale ee laga dhaxlay dowladii kacaanka ee hogaaminayay AUN. Maxamed Siyaad Barre, xili ay la mid ahayd qorax casar joogta, waxaana siddeetamaadkii lagu dhisay mashruuc ay maalgalisay dowladda Talyaaniga.

Wadadan waxay martaa dhul u badan dooxooyin, togog iyo buuraley, roobabka ayaa khasaaraha ugu badan gaarsiiya, tan iyo intii la dhisay ma helin wax dayactir iyo ilaalin ah, waxayna taasi sababtay in maalinta qeybi soo ruqdo.

Wadadan ayaa ka rifantay hareeraha, laamiga ayaana isugu soo haray liidka dhexe, taas oo sababtay in Puntland maalinba maalinta ka dambeysa ay bataan shilalka gaadiidka.

Sanadkii 2013 ayaa la dareemay dhibaatada wadadan, markii roobab gooyeen buundada Midigar oo u dhow tuulada Sin-ujiif ee gobolka Nugaal, isu socodka gaadiidka ayaa hakad galay, isku tashi deg-deg ah oo xiligaas shacab iyo dowlad-ba sameeyeen waxaa lagu guuleystay in la dhiso, balse waxaan la xasuusan in laga gaashaanto dhibaato midaas oo kale ah oo timaada.

Buundada Midigar ee isku tashiga lagu dhisay

Mar kale 2019 daadad ka dhashay roobab mahiigaana oo gu’gii dhaweyd ka da’ay deegaanada Puntland ayaa burbur xooggan u geystay wadada, waxaana meelaha waxyeelada weyn gaartay ka mid ah meel u dhow tuulada Sin-ujiif, oo laamiga saddex buundo go’day, halka dhowr kiilo-mitirna uu seed dhan go’ay, waxaana mar kale muddo dhowr maalmood istaagay isu socodka gaadiidka Puntland.

Aaga Sinujiif: mid ka mid buundooyinkii go’ay

 Roobabkii gu’gii dhaweyd ayaa sidoo kale meelaha ay wxyeelada weyn laamiga gaarsiiyeen waxaa ka mid ah Xaajikhayr, Carta, Juurile, Sanjilbo iyo Yalho, waxaana meelaha qaar hadda gaadiidku uga leexdaan wado raf ah oo ay fasheen.

Aaga Xaajikheyre oo laamigu ka go’an yahay

Ma jirto cid  ilaa iyo hadda u dhaqaaqday meelaha wadadu ka go’an tahay, sidaas oo ay tahay ayaa hadana laga cabsi qabaa in roobabka dambe ay khasaare aan laga soo waaqsan karin u geystaan, iyada oo waliba la galay xili roobaadkii dayrta oo ka curtay deegaano ka mid ah Puntland.

Gaalkacyo iyo Garowe

Wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe waxaa la dhisay todobaatamaadkii, waxayna ka mid ahayd mashruuc uu bixiyay China oo lagu dhisay laamiga isku xira Beledweyne ilaa Burco.

Wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo

Wadadan waxaa burbur ku bilaamay markii ay meesha ka baxday dowladda dhexe ee dalka 1991, mana helin wax dayactir iyo ilaalin ah tan iyo xiligaas, hadda in ka badan 80% (boqolkiiba sideetan) waa baaba’day, mana laha kakab iyo karkartoona.

Midowga Yurub ayaa mar ugu deeqay malaayiin doolar oo dib loogu dhiso wadadaas, waxaana loo soo mariyay hay’adda Jarmalka  ee GIZ, balse nasiib xumo maamul xumo awgeed ayuu u fishilmay mashruucaas, xiligii dowladda Cabdiwali Gaas, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Midowga Yurub uu masharuucaas Puntland ugu badalay mashruuc deegaanka ah.

Mashruucii fashilmay

Fashilka mashruucan ayaa Puntland u geystay dhaawac, wuxuuna ku noqday tusaale xun oo ay dhici karta in mashaariicda noocaan oo kale ah aan lagu aaminin, hadii aysan dib isu sixin.

Hay’ad magac u yaal ah

Hay’adda wadooyinka Puntland (PHA) oo markii hore la oran jiray NESHA, waxaa la aas-aasay xiligii dowladii AUN Cabdulllaahi Yusuf, waxayna u jeedadu ahayd in ay dayactir iyo ilaalin ku sameyso wadooyinka muhiimka ah ee Puntland.

Xarunta PHA, Garowe

Hay’adda PHA intii ay jirtay waxaa dhaqaale uga go’ayay wax walba oo qalab gaadiid ah oo soo gala Puntland, balse ma jirto shaqo ay qabatay tan iyo intii la yagleelay, waxaana dad badan isweydiinayaan waxa ay hay’addan dhaqaalaha badan hesha qabato iyo meesha dhaqaalaheedu ku baxo, maadaama sida la arkay yihiin wadooyinkii halbowlaha Puntland.

Sida muuqata waa hay’ad magac u yaal ah oo shakhsiyaad gaar ah ay ku urur sadaan dhaqaalaha dadka masaakiinta ah laga qaado.    

Gaariwaa

Oraahda Gaariwaa ayaa baxday xiligii uusan jirin laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Boosaaso, waxaana gaadiidku mari jiray wado raf ah oo rafaad badan, iyadoo ay adkayd in la gaaro gobolka Bari.

Hadda waxaa muuqata in haddii aan si deg deg ah wax looga qaban wadada halbowlaha Puntland ay mustaqbal dhow qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn noqdaan “Gaariwaa” iyo sidii xaal ahaan jiray laamiga ka hor.

Hadii shalay safar raaxo leh iyo amin yar lagu mushaaxi jiray inta u dhaxaysa Boosaaso iyo Gaalkacyo, maanta waa safar dheer oo rafaad iyo boor badan oo gaadiidlayda iyo dadka safarka ahba ay ku qabaan dhibaato aan la soo koobi karin.

Ma dhihi karno 21 sano ee Puntland jirtay waxay tabar u weyday dayactirka wadada halbowlaha, balse waxaan dhihi karnaa dan ayay san ka la hayn hantida dadweynaha ee dayacan.

Haddii aan dowlad iyo dadweynaba u guntan dayctirka wadadan, waxaa hubaal ah in waxa la dhowraa ay tahay Gaariwaa iyo go’doon dhaqaale oo ku habsada Puntland.

© PUNTLAND POST 2019