Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari oo ka warbixiyay hawlgallada ka socda Boosaaso

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali maxamud oo saaka wareysi siiyay warbaahinta Puntland post ayaa ka warbixiyay xaaladda Amni ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaan degmooyinka gobolka Bari.

G/sare Xuseen Cali maxamud ayaa sidoo kale faahfaahiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka Booliisku ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso iyo socdaallo ay ku soo kormeereen degaanno ka tirsan gobolka Bari oo ka baxsan laamiga sida buuraleeyda Galgala.

Taliyaha ayaa ku bogaadiyay shacabka Boosaaso sida ay Booliiska uga gacan-siiyaan sugidda Amniga waxaana uu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ” waxaan leenahay shacabka si dhow aan u wada-shaqeyno waxyaabaha mugdiga ku jirana waan ka saarnay” ayuu yiri G/sare Xuseen Cali .

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST