Degmada Ufayn ee gobolka Bari oo maamul cusub loo dhisay

Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Ufayn

Golaha Degaanka degmada Ufayn ee gobolka Bari, oo maalmahan ay xulistoodu ka socotay halkaasi, ayaa xalay la soo dhammaystiray, waxaana ay doorteen guddoomiye ku xigeen cusub.

Golaha oo ka kooban 21 xubnood, ayaa 19 kamid ah oo goobta doorashada fadhiyay, waxay guddoomiyaha Golaha ahna duqa degmada Ufayn u doorteen, Maxamed Axmed Saalax, halka ku xigeenkiisana ay u doorteen Caddaysay Cabdi Caddaysay, sida uu shaaciyay wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo natiijada doorashada ku dhawaaqay.

Doorashada oo ka dhacday xarunta dugsiga sare Cabdalle Ibraahim ee degmada Ufayn, ayaa waxa goob-joog ahaa; wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Kaluumaysiga, wasiir ku xigeenka wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska, gudoomiyaha gobolka Bari, Taliyaha Qaybta Gobolka Bari iyo bulshada degaanka.

PUNTLAND POST