Dowladda Suudaan oo loo soo celiyay xubinnimadii Midowga Afrika

Wasaaradda Arrimaha debadda dalka Suudaan ayaa soo dhowaysay Qaraarka Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika uu dib ugu soo celiyay xubinnimada dowladda Suudaan ee Midowga Afrika.

Bayaan ka soo baxay xukuumadda Khartoum oo lagu soo dhoweeyay soo celinta xubinnimada Suudaan ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in dowladda Suudan ay ku taagantahay mabaadii’di iyo ujeeddooyinkii loo aas’aaay Midowga Afrika.

Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in dowladda Suudaan ay si buuxda u taageersantahay hawlaha ururka Midowga Afrika si loo xaqiijiyo ujeedooyinkii loo as’aasay ee ay kamid ahaayeen gaarsiinta shucuubta Afrika Koboc bulsho Barwaaqa-sooran dhaqaale iyo Xoojinta Dimoquraaddiyadda.

Ugu dambeyntii Suudaan waxay u mahadcelisay dhammaan dalalka Xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ee u codeeyay in mar kale dib loo soo celiyo xubinnimadii Suudaan ee Midowga Afrika.

PUNTLAND POST