Ciidanka gobolka Bari oo soo bandhigay dhalinyaro lagu qabtay Qandala

Taliska qaybta booliska ee gobolka Bari ayaa warbaahinta u soo bandhigay tiro dhalinyaro ah oo ay ciidanku qabteen xilli loo wadey magaala beexeedda Qandala ee gobolka Bari.

Kooxdaan ayaa ciidanku gacanta ku soo dhigeen kadib markii waalidiintoodu ku soo wargeliyeen inay ka maqan yihiin iyadoona baaritaan la sameeyey kadib lagu soo qaqabtay iyaga iyo nin safrinayey.


Ninka caruurta ka xeeyay ayaa sheegay in uu u socday Bareeda, wuxuuna waaliddintii caruurtaas dhacay iyo dowladda ka codsaday in ay cafiyaan.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamed ayaa waalidiinta uga mahad celiyey sidii ay u soo wargeliyeen isagoona sheegay inay baaritaano dheeraad ah samayn doonaan.

PUNTLANDPOST