Qaban qaabo ka socota Baydhabo iyo Ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaar ka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Diyaar garawga soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa waddooyinka iyo guud ahaan magaalada oo la suray boorar lagu xardhay hal kudhigyo iyo sawirrada Khayre.

Mudada uu joogo magaalada Baydhabo ayaa waxaa lafilayaa inuu kulamo la qaadan doono madaxda dowlad goboleeda Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Khayre ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamreeb ee xarunta maamulka Galmudug oo uu kula kulmay madaxda Galmudug, Ahlusuna iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

PUNTLANDPOST