Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Ra’iisul wasaare Khayre & madaxda Ahlusuna.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta uu kulan gaar ah la qaatay hoggaanka Sare ee Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biiray Galmudug.

Guddoomiyaha guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir ayaa waxaa ay ku booqdeen Ra’iisul Wasaaraha hoyga uu ka degan yahay Magalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo hogaanka Ahlusuna ayaa kulankaan waxay uga wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii yaraa ee soo kala dhex-galay dowladda Federaalka & Ahlusunna iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadisey dedaalada ay madaxda Ahlusuna ku bixinayaan sidii lagu heli lahaa Galmudug loo midaysan yahay.

PUNTLANDPOST