Dagaal culus oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ku dhex-maray Gobolka Hiiraan

Buulo-burte (PP) ─ Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, kaasoo u dhexeeyay ururka Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Qansaxle oo ka tirsan Buulo-burte oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkan la sheegay inuu socday muddo saacad ka badan.

Sidoo kale, Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qarxay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka Buulo-burte, waxaana dagaalkan ka dhashalay khasaare aan illaa hadda la ogeyn cadadkiisa.

Ciidamada dagaallamay ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen hubka kala duwan, waxaana shacabka ku nool deegaannada ku dhaw-dhaw halka uu ka dhacay dagaalka ay sheegeen inay maqlayeen hubka fudud iyo midka culus ee dagaalka loo adeegsanayay.

Dhanka kale, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Buulo Burde ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay iska difaaceen weerarkii ay Al-shabaab la beegsatay saldhigyadooda.

Ugu dambeyn, Dagaalkii xalay ayaa imaanaya xilli shalay lagu dagaallamay inta u dhaxeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burte, dagaalkaasoo ay ka sheegatay Al-shabaab guulo iyo inay ku dishay ciidammo ka tirsan kuwa DF.

PUNTLAND POST