Qarax gaari oo ka dhacay Isgoys mashquul badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor-dhaw ku qarxay isgoyska ex-koontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in gaariga uu qarxay markii ciidamada Dowladdu ay rasaaseeyeen.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu ahaa NOAH ay saarnaayeen dhawr qof, kuwaasoo markii ay marayeen koontarool ay ciidamada DF ku sugnaayeen ay bambooyin dhawr ah ku tureen, taasoo keenay in ciidamaduna ay gaariga rasaaseeyaan.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan ayaa la sheegay inay ku dhinteen dhammaan xubnihii gaariga saarnaa, inkastoo la maqlay markii uu qaraxu ka dhacay kaddib rasaas xoog badan oo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana loo maleynayaa in kooxaha gaarigan watay ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo sannado badan dagaal kula jirtay Dowladda Somalia ee uu caalamku taageero.

Sidoo kale, Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku dhaw taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana ku yaalla gudaha xaruntaas xabsi weyn oo dhawaan la hir-geliyay kaasoo ay ku xiran yihiin maxaabiis laga soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Xamar.

Dhanka kale, waxaa goobta ka socday dib u dhis lagu sameynayo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, taasoo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dowladda Qatar ayna dhismaha fulinayso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana dhismahan uu qayb ka yahay mashaariic ay Qatar ugu deeqday Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Hay’adaha amniga DF ayaan weli ka hadlin qaraxan iyo cidda la doonayo in lagu weeraro, waxaana dhawaanahan hoos u dhac weyn uu ku yimid qaraxyadii is-daba-joogga ahaa ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST