Ciidammo hor leh oo ka tirsan AMISOM oo ku wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ciidammo cusub oo ka tirsan kuwa AMISOM, kana socda dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaasoo ay shalay gaareen qaar ka mid ah ciidammo ka socda Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan cuusb ay ka mid noqon doona kuwii ka socday AMISOM ee horay u joogay magaaladaas si ay u adkeeyaan amniga guud ee goobaha lagu qabanayo shirarka iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo degmadaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in maanta ay ciidammo itoobiyaan ah gaarayaan Dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka Galmudug, si ay amniga u sugaan, inkastoo uu sheegay inaysan jirin cabsi laga qabo qas iyo qalaan-qal ka dhaca halkaas.

Dowladda Somalia ayaa qosheynaysa inay magaaladaas ku qabato shir ay isugu keenyaso dhammaan beelaha wada-dhistay Galmudug, shirkaasoo la sheegay inuu yahay mid lagu dhameynayo khilaafyo ka dhex-jira dadka iska leh Galmudug.

Sidoo kale, Waxaa lagu wadaa in magaaladaas lagu qabto doorasho lagu soo xulanyo xildhibaannada cusub ee maamulkaas, kuwaasoo iyaguna dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay saldhigan doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug eek a furmaya Dhuusa-mareeb.

Ugu dambeyn, Ciidammo ka tirsan kuwa socda Jabuuti ee ka tirsan kuwa AMISOM ayaa shalay lagu wareejiayay goobo muhiim ah, iyadoo madaxda Ahlusunna ay ku kala qaybsan yihiin shirka lagu qabanayo degmadaas.

PUNTLAND POST