Kenya oo awaamiir ku soo rogtey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Nairibi ka degaya.

Dowladda dalka Kenya ayaa awaamiir cusub ka soo saartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Awaamiirtaan ayaa waxa ay la xiriiraan baaritaanadii magaalada Wajeer ee diyaaradaha ka soo duula magaalada Muqdisho iyo Visihii dal ku galka ee laga bixin jirey garoonka diyaaradaha Wajeer.

Dowladda Kenya waxa ay shaacisay in wixii hadda ka dambeeya Visaha dal ku galka Kenya laga qaadan doono garoonka Jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay in baaritaan aad u adag ay Wajeer ku mari doonaan rakaabka ay sidaan diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka ku dhoofaya baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya.

PUNTLANDPOST