Ciidamada AMISOM oo la Wareegaya Amniga Xarumaha Muhiimka ah ee Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo la wareegi doona ammaanka xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaaladaas iyo degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galguduud oo ay shalay gaareen.

Xarumaha ay ciidamada Midowga Afrika la wareegayaan aaa waxaa ka mid ah; Garoonka diyaaradaha, xarunta lagu qabaayo shirka dib-u-heshiisiinta ee Galmudug iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamadii horay u joogay goobaha ay AMISOM kala wareegi doonto laga saarayo halkaas, waxaana tani ay hordhac u tahay baa la yiri sidii lagu qaban lahaa shir ay horay uga hor-timid Ahlusunna in lagu qabto Dhuusa-mareeb.

Sidoo kale, magaalada Dhuusa-mareeb oo ah xarunga Galmudug ayaa waxaa shalay gaaray taliyaha ciidamada AMISOM ee Somalia, isagoo kulan la qaatay madaxa xumuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan, kaas oo looga hadlay sidii looga wada-shaqeyn lahaa amniga magaalada.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Ahlusunna ayaa waxay sheegeen in ciidamada ka socda AMISOM ay qayb ka yihiin adkeynta amniga inta lagu jiro shirarka iyo dhimaha Galmudug, wixii markaas ka dambeeyana ay ka bixi doonaan magaalada.

Xukuumadda Somalia ayaa dhankeeda ciidammo fara badan geysay xarunta Galmudug ee Dhuusa-mareeb, waxaana ciidamadan ay xoojin u yihiin kuwo horay loo geeyay magaaladaas, si loo adkeeyo amniga xubnaha DF ee ku sugan magaaladaas.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Dhuusa-mareeb ka jiray xiisado adag oo dhanka amniga ah, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, iyadoo madaxda Ahlusunna ay ku dhawaaqeen inuu gabi ahaan burburay heshiiskii ay la saxiixdeen Dowladda Somalia.

Ugu dabmeyn, Dagaalladii laga baqayay ayaan dhicin, waxaana degmadaas ku sugan haatan haatan ergooyin hordhac ah oo ka socda Beelaha Gobolka Galguduud daga, kuwaasoo halkaas u tagay inay ka qayb-galaan shirarka dib u heshiisiinta ee la qabanayo dhawaan.

PUNTLAND POST