Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM oo gaarey magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Ticabu Yilma iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka dibu-heshiisiinta Galmudug.

Ticabu Yilma ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay taliyaha Qaybta 21aad iyo Taliyaha DANAB ee 21aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, inkastoo ay la socdeen ilaalo gaar ah.

Wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya, wasiirka amniga Galmudug, xubno katirsan Ahlusuna iyo madaxda dhaqanka ayaa kulamo kala duwan kuleh magaalada Dhuusamareeb, xilli XFS shaacisay in la xalliyey khilaafkii shirka Dhuusamareeb.

PUNTLANDPOST