Ilhan Cumar oo ilaalo gaar ah samaysatay sheegtayna in dil loogu hanjabey.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan Congress-ka Maraykanka aya sheegtay in loo soo diray farriin hanjabaad ah loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”.

Waxa ay sheegtay in farriintaasi ay soo direen shaqsiyaad ka agdhaw madaxweynaha dalkaasi isla markaana ay is qarinayaan dadka noocaas oo kale ahna ay ku sababeen inay samaysato ilaalo gaar ah oo ku waardiyeysa gudaha Maraykanka.

Ilhaan Cumar ayaa hadalkaan sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”.

“Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale,” ayay Arbacadii qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah.

“Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.”