Kantaroolka cusub koonfurta magaalada Garoowe oo la dhagax dhigay.

Duqa degmada Garoowe oo ay weheliyeen taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay kantarool cusub oo laga hirgelinayo duleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Garoowe.

Dhismahaan oo ay dhaqaalihiisa bixinayso shirkadda NECSOM ayaa waxa uu ka koobnaan doonaan qolal, xabsi kumeel gaar ah, suuliyaad, berkedo iyo xarumihii lagu qaadi lahaa canshuuraha dowladda.

Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa si iskumid ah u sheegay in dhismahaani uu qayb ka qaadan doono bilicda iyo ammaanka caasimadda.

DHEGAYSO

PUNTLANDPOST