Diyaaradaha ka duulaya iyo kuwa ku degaya garoonka Kismaayo oo lagu amray inay Muqdisho soo maraan.

Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa awaamiir duldhigtay shirkadaha diyaaradaha ka dhoofaya iyo kuwa ka degaya garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Diyaaraddaha degaya iyo kuwa ka soo dhoofaya magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu amray inay soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo amarkaasi loo sababeeyey hubinta waxyaabaha ay sidaan. 

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa doonaysa inay ka hortagto shaqsiyaad ay damacsan tahay inay ka hor joogsato caleema saarka madaxweynaha Jubbaland.

Lama oga in tallaabadaani ay saamayn ku yeelan karto Xaflada Calemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la qorsheeyay inay dhacdo 26/9/2019.

PUNTLANDPOST