Shir dib loogu eegayey dastuurka Soomaaliya oo Garoowe lagu soo xirayo.

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa maanta lagu soo xirayaa shir looga arrinsanayey arrimaha dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya oo dibu eegis lagu samaynayey.

Shirkaan ayaa waxaa muddo saddex maalmood ah uu Garoowe uga socdey guddiyada dastuurka ee barlamaanka labada aqal ee dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Cuttubyada 10aad ilaa 15aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa aad diiradda loogu saarayey sida uu Puntlandpost u sheegay mid kamid ah xildhibaanada golaha shacabka u qaabilsan dastuurka ee ka qaybgalay.

PUNTLANDPOST