Senator Cabdi Qayb-diid: Majirto sabab madaxda federalka & dowlad goboleedyadu u kala maqnaadaan

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid oo katirsan xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxa uu si adag uga hadlay dhammaystir la’aanta dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo khilaafka madaxda Soomaaliya.

Cabdi Qayb-diid ayaa waxa uu sheegay in madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah looga baahan yahay inay dayacaadda iyo danaysiga ka daayaan dastuurka dalka oo ah mustaqbalkii umadda Soomaaliyeed kana shaqeeyaan dhammaystirkiisa.

Dhanka kalena, Qaybdiid wuxuu tilmaamay inaysan jirin sabab ay madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah u kala maqnaadaan ayna waajib tahay inay miiska isugu yimaadaan xalliyaana kala aragti duwanaantooda.

DAAWO

PUNTLANDPOST