Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhoweeyey degmada Hobyo.

Madaxweynaha xilligiisii dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar aan horay loo shaacin ku tegey degma xeebeedda Hobyo ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha degmada hobyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee ergooyinka ka qaybgelaya shirka ka socda magaalada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada.

SAWIRRO

PUNTLANDPOST