Xaflad uu Caawa Xilka kula Wareegi lahaa Duqa cusub ee Muqdisho oo la baajiyay

Muqdisho (PP) ─ Iyadoo lagu waday in caawa xarunta gobolka Banaadir lagu qabto xaflad uu xilka kul wareegi lahaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud [Filish] ayaa la sheegay in loo baajiyay sababo dhanka amniga ah.

Saraakiil ka tirsan kuwa hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay in sabab amni darteed loo joojiyay kulankaas, inkastoo aysan jirin faahfaahin intaas ka badan oo ay bixiyeen, sidoo kalena lama sheegin xilliga la xafladda la qaban doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Toddobaadkii hore xilka guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir u magacaabay Cumar Filish, kaddib markii qarax lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow].

Qaraxa lagu dliay Yariisow iyo xubno kale oo gobolka ka tirsan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, inkastoo ha’yadaha amniga dowladda ay sheegeen in qaraxaas intiisa badan laga abaabulay gudaha xarunta gobollka Banaadir, isla markaana loo xirxiray dhawr qof.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Joon ayaa dhismaha gobolka Banaadir kala baxay shalay agaasime ku xigeen iyo laba xubnood oo kale oo ay midi haweeney tahay, kuwaasoo la sheegay in looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay xarunga gobolka Banaadir.

Warbaahinta ayaa lagu wargeliyay in kulankii caawa dhici lahaa la baajiyay, iyadoo la diiday in la sheego xilliga uu dhici doono, waxaana tani ay caddeyn u tahay inuu jiro shaki weyn oo ah in waxyeello laga geysan karo mar kale xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Ugu dambeyn, Duqa cusub ee Muqdisho ayaa maalmahan waday kulammo gaar-gaar ah oo uu ugu kuur-galayo hawlaha ka socda gobolka Banaadir, iyadoo la sheegay inay jiraan muranno ku saabsan shaqada oo u dhexeeya isaga iyo ku xigeenadiisa.

PUNTLAND POST