Suudaan oo dalbatay in bartamaha 2020 ciidamada qaramada laga saaro Dafur.

Dowladda Suudaan oo xilligaan soo afmeertay khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa bilihii ugu dambeeyey ayaa markaan dalbatay in laga saaro ciidamada ajaaniibta ah ee joogaa Daafuur.

Wakiilka qaramada midoobey ee dalka Suudaan Cumar Maxamed Siddig ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee qaramada midoobey in dalkiisa laga qaado cunaqabataynta hubka isla markaana gobolka Daafuur laga saaro ciidamada qaramada midoobey.

Damjire Cumar Maxamed ayaa ku baaqay in la soo afmeero xayiraadda hubka ee Saaraan Suudaan si loo helo awood ciidan oo uu yeesho dalkaasi bisha June ee bartamaha sanadka 2020-kana la dhammeeyo qorshaha bixitaanka ciidamada AU iyo qaramad midoobey ee jooga Suudaan.

Bishii June ee sanadkaan ayey ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobey uu si buuxda ugu codeeyey in wax ka bedel lagu sameeyo qorshaha ciidamada nabad ilaalinta ee jooga dalkaasi maadaama uu la daalaa dhacaayey qalalaase siyaasadeed.

PUNTLANDPOST