JEN. GALAAL: Xaalad Colaadeed ayaa xilligan ka taagan Magaalada Dhuusa-mareeb

Dhuusa-mareeb (PP) ─ Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug, ayaa waxaa ka taagan jahawareer ka dhashay muran soo dhex-galay ciidamada Dowladda Somalia iyo ururka Ahlusunna.

Muranka ayaa wuxuu ka dhashay ciidammo ay dowladda Somalia halkaas ku daabulaysay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana mas’uuliyiinta Ahlusunna ay ku dhawaaqeen inuu burburay heshiis ay la galeen Dowladda Somalia, iyagoo ku dhawaaqay dagaal.

Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidammada Dowladda Somalia ayaa isagoo la hadlayay BBC-da wuxuu sheegay in xiisad u dhaxeey ciidamada DF ay geysay Dhuusa-mareeb iyo kuwa Ahlusunna ay ka taagan tahay Dhuusa-mareeb.

Sidoo kale, Galaal oo ku sugan Guriceel ayaa sheegay in Ahlusunna ay ka careysan tahay heshiiskii ay la galeen Dowladda oo Qodobbada qaar aan la fulin iyo ciidamada ay Dowladda Soomaaliya ku daad-gureyneyso halkaas.

Isagoo sii hadlaya ayuu hadalkiisa ku daray inay soo gaartay war la xiriira in ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa Ahlusunna ee la doonayay in Muqdisho loo qaado saakay ay diideen, isla markaana ay xeryahooda dib ugu laabteen.

Dhanka kale, Labada dhinac ayuu ugu baaqay inay xaaladda dajiyaan, si ay uga baaqsadaan dagaal, wuxuuna xusay in madaxda dowladda Somalia ay Dhuusa-mareeb u wajahayaan qorsho la xiriira sidii ay ku soo noqon lahaayeen doorashada soo socota.

Ugu dambeyn, Weli ma cadda sababta Dowladda Somalia ay ciidanka faraha badan u geystay Dhuusa-mareeb, iyadoo hay’adaha DF aysan weli ka hadlin ciidamadaan iyo hawsha ay halkaas u joogaan, waxaana jirta cabsi xoog leh.

PUNTLAND POST