Hogaamiyaha Hong Kong: Qalalaasaha sii xoogaysanaya uma dulqaadan doono

Hogaamiyaha Hong Kong, Carrie Lam ayaa shaaca ka qaaday in dowladdeedu ay dulqaad eber ah 0% ka leedahay qalalaasaha ka dhacaya magaaladaasi inyar kadib markii la arkay dad maduxu u duuban yahay oo weeraraya ciidanka booliska.

Madaxa fulinta Hong Kong Carrie Lam, oo markii ugu horreysey warbaahinta ka soo muuqatay tan iyo markii mudaharaadyadu sii xoogaysteen maalinimadii Axadda ayaa tiri,“Kama aysan duwwana afkaaraha siyaasadeed iyo isir nacaybka dowladda iyo booliskuna waxa ay la macaamili doonaan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah”.

Kadib markii ay soo bexeen kooxaha weerarada samaynaya ciidamada ammaanka ayaa adeegsadey awoodooda dhanka hubka ah si ay isaga caabiyaan kooxahaasi oo mudaharaadyada dhigayey labadii bilood ee ugu dambeeyey.

“Qalalaasuhu xal uma noqon doona dhibaatooyinka jira, ficilada la samaynayana mahan kuwa la qurxiyey ama sharci ah, mana isticmaali doono awood si aanu xaaladda dib ugu soo celino laakiin waxaanu mari doonaa hannaan sharci ah” ayey tiri markale Carrie Lam.

PUNTLANDPOST