Senator Cabdi-qaybdiid oo sheegay in madaxda DFS aysan ka qayb qaadan dhammaystirka dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya u qaabilsan la socodka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid ayaa ka hadlay halka ay wax u marayaan.

Qaybdiid ayaa sheegay in horay barlamaanada maamul goboleedyada ay ugu gudbiyeen 10 cutub oo dastuurka kamid ah haddan ay u gudbiyeen shantii ugu dambaysay haseyeeshee aysan wax jawaab ah ka soo celin.

Dhinaca kalena, guddoomiyaha guddiga ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya inaysan gacantii looga baahnaa ka geysan dibu eegista dastuurka.

DAAWO

PUNTLANDPOST