Baladweyne oo lagu xir-xiray qaar ka mid ah odayaashii fuliyay Amarkii Al-shabaab

Baladweyne (PP) ─ Booliiska Magalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay in ka badan 10 oday-dhaqameed oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka federaalka, balse dhawaan tagay deegaannada Al-shabaab, iyagoo fulinaya amar ay kooxdu soo saartay.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhawaan soo saartay amar ay odayaasha ugu yeertay, iyadoo ka dalbatay inay kasoo laabtaan falkii ay ku xuleen xubnaha Baarlamaanka Somalia, ayna ballan-qaadaan inaysan dib ugu laaban doonin, waxaana amarkaan fuliyay odayaal fara badan.

Saraakiisha booliiska Baladweyne ayaa sheegay in iyagoo fulinaya amar ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda 27-aad ay xabsiga u tabaaxeen in ka badan 10 oday-dhaqameed oo oo fuliyay amarkii Al-shabaab.

Ciidamada amniga Baladweyne ayaa wararka la helayo waxay sheegayaan inay wadaan hawl-gal lagu baadi-goobayo qaar ka mid ah odayaashii la kulmay Al-shabaab oo ku sugan Baladweyne.

Dhanka kale, Hawl-galkan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay soo saartay amar ka dhan ah odayaasha soo xulay xildhbiaannada ee tegay deegaannada ay joogto Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Odayaashan ayaa sheegay inay naftooda badbaadsanayeen oo aysan jirin cid ka difaaci karta Al-shabaab haddii ay diidaan amarradooda, taasoo aysan wax jawaab ah ka bixin hay’adaha amniga Dowladda Somalia.

PUNTLAND POST