Alshabab oo xalay weeraray taliskii AMISOM iyo ciidanka dowladda ee Buulo-burde.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray AMISOM, ciidanka dowladda iyo Alshabaab.

Dagaal yahano katirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay ugu horayn weerar ku qaadeen talisyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo mudo socday,sida ay sheegeen dad ku sugan degmadaas.

Cismaan Geeddi oo ah guddoomiye ku-xiegenka degmada Buulo-burde ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Alshabaab isla markaana ay khasaare gaarsiiyeen raggii weerarka ka dambeeyey.

Waxaa uu sheegay in rasaasta ay kasoo rideen Al-Shabaab dhinaca Galbeed ee degmada Buulo-Burde,isla markaana Ciidamada wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkii dhexmaray labada dhinac,sidoo kalena xaaladu ay tahay mid degan.

Majirto cid katirsan saraakiisha dowladda iyo AMISOM oo ka hadashay dagaalkaasi waxaase dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa mid aad u kharaar oo aysan labada dhinac waxba isula harin.

PUNTLANDPOST