Somaliland oo caaglayaal ku sheegtay saraakiishii u goostay Puntland

Gen Nuux Ismaaciil Taani

Taliyaha ciidanka Militariga Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo saaka warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda ka aloosan gobolka Sanaag gaar ahaanna ciidanka ka soo goostay Somaliland iyo sidoo kale jabhadda Col. Caarre ee ku sugan gobolkaasi.

Gen Taani ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo ciidanka ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa khiyaano la dhex joogay ciidamada Somaliland islamarkaana si xaq-darro ah u cunayey canshuurta shacabka Somaliland.

Wuxuu sheegay in saraakiil hore u goostay Somaliland oo ku sugnaa gobolka Sanaag ay diideen in ay fuliyaan amar la siiyay oo ahaa in ay weeraraan degmada Badhan isagoo ciidanka hadda goostayna ku tilmaamay in ay kuwaasi lamid yihiin.

Sidoo kale Gen Taani ayaa ka hadlay jabhadda hubaysan ee Col. Caarre hoggaamiyo ee dagaalka kula jirta Somaliland waxaana oo sheegay in Caarre uu mudanyahay in la qisaaso maadaama sida uu sheegayo uu dad badan laayay.

Hoos ka daawo hadalka taliyaha

PUNTLAND POST