Saraakiisha ciidanka Ahlusuna oo digniin u diray madaxda DFS.

Taliska ciidamada Ahluusnna ee horay loogu biiriyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee kuna sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya uga digay inay ka baxdo heshiiskii ay la gashay Madaxda Ahlusunna.

Saraakiishaan oo warbaahinta kula hadlay gudaha Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowladda dhexe u muuqato mid ka caga jiidaysa fulinta heshiiskii ay la galeen maamulka Ahlusuna iyo Galmudug.

Waxa ay ku hanjabeen inaysan ka amar qaadan doonin dowladda federalka ah ee Soomaaliya haddii ay ka baxdo heshiiskii Dhuusamareeb ayna qaadan doonaan awaamiirta madaxda Ahlusuna.

Hogaanka Ahlusuna ayaa dhowaan sheegay in ra’iisul wasaare Khayre maalin kadib markii uu tegey heshiiskii Ahlusuna uu ka baxay isla markaana uusan daacad ka ahayn fulintiisa.

PUNTLANDPOST