Madaxweyne Deni: Puntland waxay diyaar u tahay martigelinta shirka Somaliland iyo Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland, khilaafka DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah, meeqaamka Muqdisho iyo arrimo kale.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu ugu horayn ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay xushmeeyaan dowladaha xubnaha ka ah una dhowraan sidii inay yihiin carruurtooda maadaama dowladda dhexe ay tahay hooyada Soomaaliya.

Deni oo ka hadlayey meeqaamka Muqdisho ayaa sheegay inay muhiimtahay in la caddeeyo wuxuuna codsaday in Puntland martigeliso shir ku saabsan meeqaamka Muqdisho iyo shirarka u dhexeeya madaxda DFS iyo maamulka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu taageero u muujiyey shirarka dibu heshiisiinta ee ka socda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug isagoona xusay in Galmudug loo madax banneeyo arrimeheeda masiiriga ah.

PUNTLANDPOST